C/Qaybdiid oo ka digay dagaal ka dhaca Gaalkacyo

Gaalkacyo-RisaalaFM- Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo ahaa Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug oo la hadlay warbaahinta ayaa ka digay dagaal ka dhaca Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Wuxuu sheegay in Maamulada ka taliya Magaalada Gaalkacyo looga baahan yahay in ay joojiyaan xiisada ka taagan magaalada Gaalkacyo, sidoo kalena ay muhiim tahay in loo turo shacabka ku nool magaaladaasi.

Maamulka Puntland ayaa wuxuu ugu baaqay wixii ay ka tabanayaan Maamulka Galmudug inay wada hadal ku dhameystaan, islamarkaana ay joojiyaan waxyaabaha abuuri kara xiisadaha colaadeed.

“Shacabka Gaalkacyo degan yaan dushooda lagu dagaalamin, xiisadaha waxa abuuraya waa in la iska daayaa, Galmudug iyo Puntland waa labo maamul oo deris ah wixii ay kala tabanayaan wada hadal haku dhameeyaan.” Ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Galmudug.

Shalay ayay aheyd markii Maamulka Galmudug uu Puntland ku eedeeyay in ciidamo fara badan ay soo dhoobeen magaalada Gaalkacyo, islamarkaana ay cabsi ka qaban in uu dagaal ka dhaco magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.