Guddoomiyaha cusub ee degmada Kaxda oo xilka la wareegay

Gudoomiyaha cusub degmada Kaxda ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay maamulka degmada Kaxda ka dib munaasabad lagu qabtay xarunta degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Munaasabada oo lagu qabtay xarunta degmada Kaxda , waxaa kasoo qeyb galay madax ka tirsan maamulka Banaadir oo uu ka mid ahaa gudoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye.

Guddoomiyihii hore ee degmada Kaxda C/ladiif Xasan Badawi ayaa xilka ku wareejiyay guddoomiyaha cusub mudane Maxamed Ismaaciil .

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye oo goobta ka hadlay ayaa shacabka kunool degmada Kaxda ugu baaqay in ay la shaqeeyaan maamulka degmada Kaxda.

Gudoomiyihii Hore ee degmada Kaxda C/ladiif Xasan Badawi oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu xilka ku wareejiyo gudoomiyaha Cusub ee degmada Kaxda.

Guddoomiyaha cusub ee degmada Kaxda mudane Maxamed Ismaaciil   ayaa sheegay in howsha halkeedi uu  ka sii wadi doono,isagoo   ka codsaday bulshada ku dhaqan degmada iyo maamulka gobolka in  ay kala shaqeeyaan horumarka degmada.