Dowladda Burundi ayaa wada qorshe ay ciidamadeeda uga soo saarayso Soomaaliya, arrintaas oo su’aalo cusub ka dhalisay mustaqbalka howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, xilli dalka uu weli wajahayo dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Ciidamada Burundi ayaa Soomaaliya ka howlgalayay tan iyo sannadkii 2007-dii, iyagoo qayb ka ahaa howlgaladii AMISOM iyo ATMIS, kuwaas oo markii dambe lagu beddelay howlgalka cusub ee AUSSOM. Burundi ayaa muddo ku dhow labaatan sano ka mid ahayd dalalka ugu badan ee ciidamada ku biiriya howlgalada Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Warbixinnada soo baxaya ayaa sheegaya in Burundi ay dadaal ugu jirto sidii ay dalka uga soo saari lahayd ciidamadeeda weli ku sugan Soomaaliya, hase yeeshee bixitaankooda ayaa la sheegay inuu ku xiran yahay taageerada saadka iyo gaadiidka ee Qaramada Midoobay.
Xiisadda u dhexeysa Soomaaliya iyo Burundi ayaa soo shaac baxday dabayaaqadii sannadkii 2024-kii, markii labada dowladood ay isku khilaafeen tirada ciidamada Burundi ee lagu dari lahaa howlgalka AUSSOM.
Burundi waxay dooneysay inay howlgalka cusub ku biiriso ku dhowaad 3,000 oo askari, halka dowladda Soomaaliya ay u qoondeysay 1,041 askari, taas oo ay dowladda Burundi ka muujisay diidmo.
Khilaafkaasi ayaa sababay in Burundi ay ka biyo diiddo qaab-dhismeedka cusub ee AUSSOM, iyadoo ku doodday in tirada loo oggolaaday aysan ku filneyn baahida iyo badbaadada ciidamadeeda.
Bixitaanka ciidamada Burundi wuxuu imaanayaa xilli howlgalka AUSSOM uu wajahayo caqabado la xiriira maalgelinta, taageerada saadka iyo awoodda ciidamada ee la dagaallanka Al-Shabaab.



