Qaramada Midoobay oo sharci-darro ku tilmaantay xil-ka-qaadistii Baashe Yuusuf

Khubaro ka tirsan Qaramada Midoobay oo sharci-darro ku tilmaamay xil-ka-qaadistii Baashe Yuusuf

Laba khabiir oo Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqda aadanaha iyo madax-bannaanida garsoorka ayaa si adag uga horyimid xil-ka-qaadistii Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, Baashe Yuusuf Axmed, iyagoo tallaabadaas ku tilmaamay mid sharci-darro ah oo ka hor imaanaysa habraacyada dastuuriga ah.

War-saxaafadeed ay 12-kii November soo saareen Margaret Satterthwaite, oo ah khabiirka gaarka ah ee QM u qaabilsan madax-bannaanida garsoorayaasha iyo qareennada, iyo Ben Saul oo qaabilsan xuquuqda aadanaha xilliyada la-dagaallanka argagixisada, ayay dowladda Soomaaliya ugu baaqeen inay ixtiraamto madax-bannaanida garsoorka iyo sarreynta sharciga.

Khabiirada ayaa sheegay in xil-ka-qaadista Baashe Yuusuf Axmed oo lagu fuliyay wareegto Madaxweyne aysan waafaqsanayn habraacyada dastuuriga ah, maadaama aan loo marin ansixinta Baarlamaanka Federaalka ama soo-jeedin ka timaadda Guddiga Adeegga Garsoorka.

 

Waxay sidoo kale su’aal geliyeen magacaabista iyo dhaarinta Ibraahim Iidle Suleymaan oo loo magacaabay guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare, iyagoo sheegay in tallaabadaasi aysan waafaqsanayn habraacyada sharciyeed ee magacaabista garsoorayaasha.

Khilaafka ayaa cirka isku shareeray 4-tii November, markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud xilka ka qaaday Baashe Yuusuf Axmed, xilli Maxkamadda Sare ay maalintii xigtay qorsheynaysay inay go’aan ka gaarto sharciyadda muddo-kordhinta hay’adaha dowladda.

Shan garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Sare ayaa markii dambe soo saaray go’aan ay ku sheegeen in muddo-kordhinta Madaxweynaha iyo Baarlamaanka aysan sharci ahayn, iyagoo ku baaqay in doorashooyin lagu qabto muddo 90 maalmood gudahood ah.

Khabiirada QM ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay ciidamo la geeyay xarunta Maxkamadda Sare, ilaaladii gaarka ahayd ee laga qaaday toddoba garsoore iyo wararka sheegaya in garsoorayaasha qaarkood laga mamnuucay inay dalka ka safraan.

Waxay dowladda Soomaaliya ugu baaqeen inay Baashe Yuusuf Axmed dib ugu soo celiso xilkiisa, ciidamada ammaankana ay ka baxaan xarunta Maxkamadda Sare, isla markaana dib loogu soo celiyo ilaaladii gaarka ahayd ee laga qaaday garsoorayaasha.

“Waxaan cambaareyneynaa isku day kasta oo lagu cabsi-gelinayo garsoorayaasha iyo hanjabaadaha halista ku ah ammaankooda. Waa in si degdeg ah dib loogu soo celiyaa ilaaladooda gaarka ah, ciidamada ammaankana waa inay ka baxaan goobahaas,” ayay ku sheegeen bayaankooda.

Khabiirada ayaa intaas ku daray in khilaafka hay’adaha garsoorka iyo muranka wax-ka-beddelka dastuurka ay wiiqi karaan dowladnimada Soomaaliya iyo dadaallada lagula dagaallamayo maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Bayaankan ayaa Villa Soomaaliya ku kordhinaya cadaadis diblomaasiyadeed iyo mid sharci, maadaama khilaafkii markii hore ahaa mid gudaha ah uu hadda gaaray heer ay khubaro madax-bannaan oo Qaramada Midoobay ka tirsan si rasmi ah uga hadlaan.

Ilaa hadda, dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan soo saarin jawaab rasmi ah oo ku saabsan eedeymaha iyo baaqyada ay soo saareen khubarada Qaramada Midoobay.