Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa sheegtay in maraakiibta dagaalka ee ciidankeeda badda, TCG Gökçeada iyo TCG Yıldırım, ay ku sii jeedaan Muqdisho, iyagoo galbinaya markab kalluumeysi oo lagu magacaabo Mustafa Korkmaz A.
Qoraal ay wasaaraddu ku baahisay baraha bulshada ayaa lagu sheegay in maraakiibtan ay markabka kalluumeysiga u fidinayaan ilaalin iyo galbin amni inta uu ku sugan yahay biyaha Soomaaliya.
Markabka Mustafa Korkmaz A ayaa la qorsheynayaa inuu sahamin iyo kalluumeysi tijaabo ah ka sameeyo aagga dhaqaalaha gaarka ah ee Soomaaliya, oo ah biyaha ay Soomaaliya ku leedahay xuquuqda gaarka ah ee ka faa’iideysiga kheyraadka badda.
Wasaaraddu waxay sidoo kale sheegtay in safarka labada markab uu qeyb ka yahay isku-beddelka howlgalka Ciidanka Badda Turkiga ee Soomaaliya, kaas oo loo yaqaan Somali Naval Task Group.
Tallaabadan ayaa ku soo beegmeysa xilli Soomaaliya iyo Turkiga ay ballaarinayaan iskaashigooda dhinacyada difaaca, amniga badda iyo kalluumeysiga.
Labada dal ayaa sidoo kale hore u yeeshay heshiisyo iskaashi oo la xiriira ilaalinta biyaha Soomaaliya iyo horumarinta awoodda Ciidanka Badda Soomaaliyeed.




