Jubbaland oo mideysay ciidamadii Daraawiishta iyo kuwa cusub ee ku sugnaa Baladxaawo

Screenshot

Dowladda Jubbaland ayaa maanta si rasmi ah isugu dartay ciidamadii Daraawiishta iyo ciidamadii dhawaan lagu diiwaangeliyey degmada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo.

Ciidamadan oo hadda la mideeyey ayaa noqonaya Daraawiishta Jubbaland ee degmada Balad-Xaawo, iyadoo tallaabadan qayb ka tahay qorshaha maamulka ee dib-u-habeynta iyo mideynta ciidamada ka howlgala gobolka Gedo.

Sidoo kale, Jubbaland ayaa degmada ka hirgelisay ciidamo gaar ah oo loo bixiyey Ciidanka Xasilinta, kuwaas oo loo xil saaray sugidda amniga iyo ilaalinta nabadgelyada magaalada.

Tallaabooyinkan ayaa imaanaya xilli ay weli jiraan xiisado siyaasadeed iyo kuwo amni oo ka taagan gobolka Gedo, gaar ahaan khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland.

Maamulka Jubbaland ayaan weli faahfaahin dheeraad ah ka bixin tirada ciidamada la mideeyey iyo qaabka ay u wada shaqeyn doonaan ciidamada Daraawiishta iyo kuwa Xasilinta.