Uganda oo Soomaaliya u soo dirtay ciidamo cusub iyo amar culus oo la dul dhigay.

Dowladda Uganda ayaa ciidamo cusub oo ka tirsan Guutada 48-aad ee Ciidanka Difaaca Uganda (UPDF) u diyaarisay howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), kuwaas oo beddelaya Guutada 45-aad oo dhammaysatay muddadii loo qorsheeyay inay Soomaaliya ka howlgasho.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay taliska Ciidanka Difaaca Uganda, ciidamada cusub ayaa dhammaystay tababarkii loogu diyaarinayay howlgalka Soomaaliya, waxaana munaasabadda sagootintooda ka qeybgalay taliye ku-xigeenka Ciidanka Dhulka Uganda, Sarreeye Guuto Felix Busizoori.

Felix Busizoori oo khudbad u jeediyay ciidamada ayaa kula dardaarmay inay muujiyaan wada-shaqeyn, anshax ciidan iyo xilkasnimo inta ay ku guda jiraan waajibaadka loo igmaday Soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale uga digay inay ku kacaan falal dhaawici kara sumcadda ciidanka Uganda, isagoo ku boorriyay inay ilaaliyaan xiriirka wanaagsan ee ay la leeyihiin bulshada Soomaaliyeed, isla markaana ay dhowraan shuruucda iyo nidaamka ciidamada.

Taliyaha ayaa bogaadiyay ciidamadii ka horreeyay ee Guutada 45-aad, kuwaas oo muddo ka howlgallayay Soomaaliya, wuxuuna ciidamada cusub kula dardaarmay inay sii ambaqaadaan shaqadii ay qabteen kuwii ka horreeyay.

Dhanka kale, taliska UPDF ayaa xaqiijiyay in Guutada 48-aad, oo uu hoggaaminayo Gaashaanle Sare Michael Opio Ocuka, ay 10-kii Oktoobar 2026 si rasmi ah ula wareegtay waajibaadkii Guutada 45-aad ee qeybta koowaad ee howlgalka AUSSOM.

Ciidamada Uganda ayaa ka mid ah kuwa ugu badan ee ka howlgala Soomaaliya, iyagoo door muhiim ah ku leh sugidda amniga iyo dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab.