Bannaanbaxyo looga soo horjeedo doorashada maamulka Hirshabeelle ayaa maanta ka socda qeybo ka mid ah magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Wararka laga helayo magaalada ayaa sheegaya in waddooyinka iyo xaafadaha Beledweyne lagu daadiyay ciidamo badan oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo guud ahaan magaalada laga dareemayo xaalad amni oo aad loo adkeeyay.
Gaadiidka rayidka ah ayaa lagu soo warramayaa inuu istaagay, iyadoo ciidamada dowladda ay xireen waddooyin muhiim ah, xilli ay socoto codeynta doorashada Hirshabeelle.
Dadka bannaanbaxaya ayaa ka soo horjeeda hannaanka doorashada iyo maamulka Hirshabeelle, waxaana ciidamada dowladda ay isku dayayaan inay ka hortagaan isu-soo-baxyada.
Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in dad kooban oo taageersan doorashada lagu qaadayo gaadiid dowladeed, si loogu gudbiyo goobaha codbixinta.
Xaaladda Beledweyne ayaa weli kacsan, iyadoo la adkeeyay ammaanka magaalada, isla markaana dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo isu-socodka shacabka uu xaddidan yahay.



