Shacabka dalka Itoobiya ayaa saaka si weyn ugu dareeray goobaha codbixinta, iyadoo si rasmi ah u billowday doorashada guud ee 7-aad ee dalkaas, taas oo lagu tilmaamay mid ka mid ah doorashooyinkii ugu waaweynaa ee taariikhda Itoobiya.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa codkiisa ka dhiibtay deegaanka uu ku dhashay ee Beshasha, oo ka tirsan Gobolka Jimma ee Dowlad Deegaanka Oromia.
Guddiga Doorashooyinka Itoobiya ayaa sheegay in in ka badan 54 milyan oo qof ay isu diiwaangeliyeen codbixinta, taas oo ka dhigeysa diiwaangelintii ugu ballaarneyd ee abid ka dhacda dalka Itoobiya.
Goobaha codbixinta ayaa laga furay qaybo badan oo dalka ah, iyadoo howlaha doorashada ay kormeerayaan wafdi ka socda Midowga Afrika, kuwaas oo la socda habsami u socodka codbixinta.



