Madaxweynaha Maamulka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inuusan marnaba ogolaan doonin in maamulka Puntland laga fuliyo mashaariic leh ujeeddooyin siyaasadaysan oo dano gaar ah laga leeyahay, taasi ayuu sheegay in dhibaato ay ku tahay dalka.
“Marmar waxaan maqlaa in la yiraahdo dowladda Puntland way diiday mashaariic. Haddii ay yihiin mashaariic aan ujeeddo hufan wadin, ama lagu waxyeelaynayo sumcadda Puntland, waan diideynaa. Arrintaas waa in la fahmaa,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Madaxweyne Deni wuxuu sheegay in ay jiran mashaariic horay loo musuqmaasuqay oo dhaqaalihii loogu talo galay guryo looga dhistay magaalooyinka Muqdisho iyo Nayroobi. Isagoo sheegay inay ku lug leeyihiin dad Puntland kasoo jeeda oo Xamar ku sugan.
Madaxweynaha Puntland ayaa hadalkan ka sheegay xilli maanta uu xarigga ka jarayay buundo weyn oo magaalada Garowe laga hirgeliyay, oo uu Bankiga Adduunku ku maalgaliyay.



