Ugu yaraan hal muwaadin Soomaaliyeed ayaa ku dhintay kadib markii uu ka dhacay weerar hubeysan waddada isku xirta magaalooyinka Juba iyo Terekeka ee Koonfurta Suudaan, sida uu xaqiijiyay Afhayeenka Ciidanka Difaaca Dadka Koonfurta Suudaan, Jeneraal Lul Ruai Koang.
Marxuumka oo la socday gaari ganacsi ayaa lagu gubay gudaha gaariga xilli uu marayay meel aan ka fogeyn Terekeka.
Afhayeenka militariga Koonfurta Suudaan ayaa sheegay in weerarkaasi ay ka dambeeyeen dagaalamayaal ka tirsan kooxda hubeysan ee SPLA-IO, oo uu hoggaamiyo Dr. Riek Machar.
Jeneraal Lul Ruai ayaa weerarka ku tilmaamay mid argagixiso ah oo lagu beegsanayo dad rayid ah, waxaana uu tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed iyo ehelada marxuumka. Wuxuu sheegay in la sameyn doono baaritaanno dheeraad ah oo lagu raadinayo cidda ka dambeysay weerarka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya wali kama aysan hadlin falkan, hase yeeshee waxaa laga filayaa in ay si rasmi ah uga hadasho saacadaha ama maalmaha soo socda, iyada oo laga yaabo in ay codsato baaritaan buuxa iyo in la helo caddaalad.
Dhacdadan ayaa walaac xooggan ku abuurtay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gudaha Koonfurta Suudaan, gaar ahaan ganacsatada iyo dadka safarka ku taga dalkaasi.
Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli gobolkaasi uu wali wajahayo xasilooni darro siyaasadeed iyo dagaallo sokeeye oo u dhaxeeya dhinacyada ku loolamaya awoodda dalkaasi tan iyo markii uu xornimada qaatay sanadkii 2011.



