Guddoomiye Aadan Madoobe oo dib u Celiyay Kursigii xildhibaan Abiib

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,  Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta si rasmi ah ugu celiyay kursiga tirsigiisu yahay HOP#201 guddiga Xeerhoosaadka, Daryeelka, Anshaxa iyo Xasaanadda ee Golaha Shacabka.

Go’aankan ayaa ku yimid si guddigu uga soo talo bixiyo xaaladda kursigaasi, kadibna dib loogu soo celiyo Golaha Shacabka si go’aan kama dambeys ah looga gaaro.

Arrintan ayaa imaneysa xilli uu muran ka dhashay kursigan oo horey loogu tirinayay Cabdullaahi Abiib, taasoo dhalisay baahi loo qabo in si waafaqsan xeerarka Golaha looga soo gudbo.