Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeyn ay xalay diyaarado dagaal ka gaysteen Saldhigyo Al-shabaab ay ku leeyihiin deegaano ka tirsan goboka shabeelada Hoose.
Duqeynta ayaa waxaa ay si gaar ah uga dhacday deegaanada kala ah Hawaay , Sablaale, Xaramka iyo deegaano kale, waxaana duqeyta lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen maleeshiyaad iyo saraakiil ka tirsan Al-shabaab.
Wararka ayaa sheegaya in khasaaraha xoogan la gaarsiiyay maleeshiyaadka ka tirsan Al-shabaab, waxaana la sheegay maleeshiyaadkan ay halkaasi ay isku aruursanayeen marka duqeynta lala beegsanayay.
Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya iyo dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan duqeyntaasi, waxaana duqeymahan ay yihiin sidii loo wiiqi lahaa awoodda Al-Shabaab ee Gobolka Shabeellaha Hoose
Horey deegaano ka tirsan gobolka shabeelada Hoose ayaa waxaa lagu dilay saraakiil sar sare oo ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab, waxaana duqeymahaasi fuliyay diyaaradaha dagaal ee Mareykanka.
Shabeelaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda, waxaana badanaa ka dhaca duqeymo diyaaradeed iyo howlgallo ay fuliyaan ciidamada Xoogga dalka.
Muddooyinkii u dambeeyay waxaa dalka ka socday guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab kaas oo guullo waa weyn laga gaaray, maadaama laga saaray dhul aad u ballaaran



