Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh ee Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) Xuseen Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Ra’iisal wasaaraha Itoobiya hoggaamiyo ee Barwaaqo Aadan Faarax Ibraahim ayaa magaalada Ankara uga qaybgalaya Shirweynaha 8aad ee Xisbiga talada dalka Turkiga haya ee AK Parti.
Lana guddoomiye ku xigeen ayaa isku arkay shirka Xisbiga AK oo ah xisbiga Madaxweynaha Turkiga, waxayna arrintan daba socotaa markii dhowaan xisbiga u taliya Turkiga uu heshiisyo iskaashi la saxiixday xisbiyada madaxdoodu ka taliso dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Jabuuti.
Radio Risaala broadcast online 24 hours a day, seven days a week. Radio Risaala brings you the friendly voices of the community. As a community station, We also have religious programs, sport, local news and interviews etc.



