Trump oo hogaaminaya natiijada hor dhaca ah ee gobollada aadka loogu tartamayo

Xisbiga jamhuuriga ayaa ku guuleystay codadkii doorashada ee gobolka Georgia, kadib markii ay sidoo kale ku guuleysteen Waqooyiga Carolina.

Khariiradda doorashada ayaa haatan u eg doorashadii 2026-kii, markaas oo Trump guuleystay si ka duwan tii 2020-kii oo uu ku guul dareystay doorashada madaxtinimo.

Sidoo kale , Donald Trump, ayaa hogaaaminaya natiijada horudhaca ah ee inta badan gobollada aadka loogu tartamayo.

Waxaa uu natiijada ku hogaaminayaa North Carolina, Georgia, iyo Pennsylvania, halkaas oo codadka badankood la tiriyay.

Waxaa uu sidoo kale in yar hogaaminayaa gobolka Arizona iyo Wisconsin. Waxaa la tiriyay in ka badan kala bar codadka gobolladaas.

Dhanka kale, Kamala Harris ayaa iyaduna hogaamineysa gobolka Michigan, inkastoo lagu soo warramyo in la tiriyay boqolkiiba 32 codadkii la tiriyay.

Trump ayaa haatan heysta codad gaaraya 61,960, 281 halka Kamala ah heysato 57,409, 843.

Codadka weli waa la tirinayaa waxaana hadba is bedelaya tirada codadka labada dhinac.