Ciidanka Jubland oo Hawlgal ku soo qabtay shaqsi lagu Eedeeyay in Alshabaab uu ka tirsan yahay

Ciidanka Booliska degmada Dhoobley oo howlgal amni Sugid   ah ka sameeyeen xaafadaha degmadaasi  ayaa gacanta kusoo dhigay Xasan Ibraahim oo la sheegay in uu  ku biiray Al-shabaab.

Shaqsigaan ka tirsan Al shabaab ayaa la sheegay in muddo badan ay ku daba ay  la  socdeen laamaha ammaanka Jubbaland, isagoo hadba deegaan gabaadsanayay, ugu dambeyna suuro gashay in ciidamada Booliska Jubbaland ay gacanta ku soo dhigaan.

Hay’adaha amniga Jubbaland ayaa sheegaya in iyagoo kaashanaya sirdoonka Qaranka ee NISA hore magaalada Muqdisho kasoo qabtaan labadii kale oo hadda ku xiran magaalada Kismaayo.

Xasan Ibraahim iyo labda  nin ee  kale ayaa horay Maamulka Jubbaland ugala baxsaday gaari Land Cruiser Hardtop ah, waxayna la galeen al shabaab sida ay sheegeen saraakiisha Amniga Jublabd .