Muxuu Hogaamiyaha SSC ka yiri dib u doorashada Madaxweyne Saciid Deni?

Hoggaamiyaha SSC Khaatumo  Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali Fardhiye  ayaa Hambalyo u diray Madaxweynaha Puntland  Saciid Cabdullaahi Deni oo markale loo doortay inuu noqdo Madaxweynaha Puntland.

Hoggaamiye Fardhiye  wuxuu ku bogaadinayay shacabka iyo hay’adaha Dastuuriga ah ee Puntland sida habsamida leh ee ay uga shaqeeyeen in doorashada Puntland ku qabsoonto Jawi nabadeed oo xasiloon.

Hoggaamiyayaha SSC Khaatuma ayaa  sheegay in Alle uu uga baryaayo Madaxweynaha la doortay in xilka u fududeeyo, lana garabgalo masuuliyadda culus ee markale loo igmaday.

Ugu danbayn, Hoggaamiyaha ayaa xusay in Maamulka iyo shacabka SSC-KHAATUMO ay garabtaaganyihiin Shacabka iyo Maamulka  Puntland.