Wasiir Muqtaar Roobow oo hal arrin darteed Maanta ugu safray Sacuudiga

Wefdi uu hogaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS Mudane. Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa maanta ka ambabaxey garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho asagoo ku wajahan Dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Wafdigan ayaa waxaa qeyb ka ah agaasimaha guud ee Wasaaradda, agaasimaha waaxda xajka iyo cumrada, xildhibaan ka tirsan guddiga Awqaafta iyo Cadaalada ee Baarlamaanka JFS,

Xubin ka socota Xafiiska Raysul Wasaraha, xubno  iyo wakiilo ka socda shirkadihii ku guuleystey iney fuliyaan adeega xajka ee sanadkan 1444/2023.

Ujeedada safarka wasiirka iyo wafdigiisa ayaa la xirirta qiimeynta iyo jaangoynta cadadka lacageed ee sanadkan ay ku xajin doonaan xujeyda Soomaaliyeed iyo sidii ay u  heli lahaayeen khidmo ama adeeg wanaagsan gaar ahaan marka ay timaado dhinacyada deegaanka, gaadiidka iyo cuntada inta ay ku guda jiraan gudashada acmaasha xajka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Mudane Maxamed Xaaji Ibraahim oo ka mid ah wafdiga Wasiirka ayaa inta aysan ka dhoofin magaalada Muqdisho faahfaajiyey ujeedada safarkooda.