DEG DEG:- Qarixii Saddexaad oo ka dhacay Magaalada Beledweyne

Weerarka oo  loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa goordhow lagu qaaday Xerada lamagalaay ee Magaalada Beledweyne, halkaas oo ay ku yaallaan Xarumaha uu ku Shaqeeyo Maamulka Gobolka Hiiraan.

Weerarka ka hor Ciidamada Ammaanka ayaa la sheegay inay gaariga rasaaseeyeen kadibna uu qarxay, waxana wararka la helayo ay sheegayaan in qasaaro dhimasho iyo dhaawac ah uu ka dhashay qaraxa.

Waa  weerarkii labaad oo Maanta lagu qaado Xerada lamagalaay ee Beledweyne, waxaana hadda hareeraha waddooyinka gala Xerada la geeyay Ciidamo katirsan kuwa Ammaanka, iyada oo gurmad loo sameeynayo dadka ku waxyeeloobay qaraxa.