Dowladda Soomaaliya ayaa maanta gargaargii ugu horeeyay u dirtay deegaanada gobolka Hiiraan ee Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ay ka saareen ururka Al-Shabaab.
War kasoo baxay dowlada ayaa lagu sheegay in iyada oo la fulinayo amarkii Ra’iisal wasaare Xamse Cabdi Barre ee shalay oo ahaa in gargaar dag dag ah lala gaaro deegaanada laga saaray Al-Shabaab ay hey’adda Maareynta Musiibooyinka gargaar raashin ah u dirtay magaaladda Buula-burde.
Gargaarkaan ayaa waxaa uu isugu jiraa raashin iyo agabyo kale waxaana garoonka diyaaradaha magaaladda Muqdisho ka qaaday diyaarad gaar ah.
Saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in gargaarkaas loo qeybiyo dadka ku sugan degaannadii dhawaan laga saaray ururka Al-Shabaab, halkaas oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka.




