Kooxo baadigoob ugu jira Ciyaaryahan N’Golo Kante

Kooxda Kubadda Cagta Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay si lama filaan ah ugu dhaqaaqayso Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda chelsea ee N’Golo Kante.

Xiddiga reer France ayaa muhiim ka ah Kooxda Thomas Tuchel laakiin heshiiskiisa chelsea ayay uga hartay 12 bilood ilaa haatana kooxdu heshiis cusub uma soo bandhigin.

Waxaa jira sidoo kale Kooxo kale oo doon doonaya Ciyaar yahan N’Golo Kante, kuwaas oo la filayo in Maalmaha soo socda ay shaaciyaan.