Musharrax Madaxweyne Daahir Geelle oo ka hadlay Amniga, Abaaraha & Doorashooyinka

Musharrax Madaxweynaha Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo Maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa ka hadlay xaalada dalka gaar ahaan Amniga, Abaaraha iyo Arrimaha doorashooyinka.

Musharraxa oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa marka hore sheegay in xilligaan dalka ay kajirto Abaar aad u xoogan sidoo kalena uu jiro sicir barar saameyn ku yeeshay Bulshada, wuxuuna Bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay i ay is caawiyaan.

Daahir Maxamuud Geelle ayaa sidoo kale sheegay in maalahaan ay soo bateen qaraxyada ka dhacaya dalka, isaga oo u tacsiuadeeyay dadka wax ku noqday qaraxyada , wuxuuna hay’adaha Amniga ka codsaday inay dalka badbaadiyeen maadaama dhaliil dhanka Amniga ah loo jeedinayo dowladda.

Arrimaha doorashooyinka, isaga oo ka hadlayay ayuu sheegay in Xildhibaannada Cusub ee la doortay ka sokow Alle ay gacantooda kujirto badbaadada dalka loogana baahan yahay inay doortaan qofkii ka Shaqeeynaya danta dadks iyo dalka.

” Mararka qaar Xildhibaannada waxaa la leeyahay anagaa kusoo saaranay taasina kaliya maahan in wax laga rabee in qiimaha iyo awooda uu leeyahay la rabo in la dhimo, midna ha ogaadaan in dadkaaga ama ehelkaaga oo mu diiday inay ku doortaan xoog laguugu soo saaray dambina lagaaga abaal dhiganayo ayuu yiri” Musharrax Daagir Geelle.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Xildhibaannada la soo saaray ay ka hadlaan arrimo ku saabsan qadiyadda dalka loo sheegayo inay hoos isku dhigaan maadaama la soo saartay, hayeeshee wadada kaliya uu kaga badbaadi karo ay tahay in codka halka loo rabo uu ka leexiyo.

Ugu dambeyn Daahir Geelle ayaa sheegay in dhamaan Xildhibaannadii iyo cid kasta oo u dakanoowday taliska Farmaajo banaanka la keenay, iyaga oo loo diiday inay tartamaan, isla markaana xildhibaannada Cusub taasi mid lamid ah ay sugeyso hadii aysan xisaabtamin.