Doorashada labo kursi oo maanta ka dhaceysa Dhuusamareeb iyo Shaqsiyaadka kusoo bixi doona

Doorashada labo kursi oo ka mid ah golaha Shacabka ayaa maanta lagu waddaa in ay ka dhacdo magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug.

Sidda uu qorshuhu ahaa waxaa lagu waday in la qabto Saddex kursi balse waxaa dib loo dhigay hal kursi oo ay ku tartameeyeen dumar ka dib markii la sheegay in caddaadis uu ka yimid madaxda Sare ee dalka qaarkood.

HOP#025

Waxaa iska diwaangaliyay Musharaxiinta kala ah Maxamed Abuukar Cali (Jacfar) iyo Xasan Cali Cusmaan,waxaa lagu waddaa in uu kursigaan soo qaato Jacfar oo hadda ah Gudoomiyaha degmada Dayniile.

Musharixiinta kursiga HOP#081 oo kala ah:-

1- Cadar Cali Maxamed

2- Nasro Maxamed Dalabey.

Waxaa lagu waddaa in kursigaan ay soo qaadato Cadar Cali Maxamed.

Doorashada ka socota Galmudug ayaa inta badan ah mid xiran oo uusan ka furneyn tartan xooggan.