laamaha Amniga Galmudug oo gacanta ku dhigay waxyaabaha Maanka dooriya & Dad ka Ganacsanayay

Ciidamada Ammaanka dowlad Goboleedka Galmudug ayaa habeenkii labaad oo xiriir ah waxaa ay howlgallo ka sameeyeen Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug

Ciidanka ayaa u dhacay guri lagu kaydinayay maandooriyaha Qamriga, iyaga oo gacanta kusoo dhigay 8 Kartoon oo Maandooriyaha oo kiiba ay ku jirto 30 dhalo iyo Agab kale.

War kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska Gobolka Mudug ee Galmudug ayaa lagu sheegay in Ciidamada ay gacanta ku dhigeen Milkiliha Guriga lagu iibinayay maandooriyaha.

Dowladda Soomaaliya iyo qaar kamid ah maamulada kahira dalka ayaa bilaabay howlgallo ka dhan ah maandooriyaha xashiishka iyo khamriga, waxaana ay burburiyeen goobo lagu farsameeynayay maandooriyaha noocyadiisa kala duwan.