Ciidanka dowladda oo Muqdisho ku dilay Wiil iyo Gabadh walaalo ah

Zaki Maxamud Kalafoge iyo walaashiis Sowdo Maxamud Kalafoge ayaa  ku geeriyooday isgoyska dabka iyagoo saaran mooto bajaaj.

Goobjoogayaal ayaa Risaala u xaqiijiyeen in ciidanka dilka geystay ay saarnaayeen gaari Cabdi Bile ah ,islamarkaana ay galbinayeen mid mid ah gawaarida aysan xabado karin.

Ciidanka booliska ayaa goobta ka qaaday Meydka labada Ruux.

Wixii kusoo kordha kala soco Risaala.net