Dagaalka oo aad u cuslaa ayaa waxaa magaalada Garbo Ciise ee dowlad degaanka Soomaalida uu markale ku dhexmaray maleeshiyaadka Canfarta iyo kuwa Soomaalida ah.
Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii sida la sheegay maleeshiyaadka Canfarta ay weerar ku qaadeen Ciidaamda Somaalida oo ku sugnaa Duleedka Magaalada garbo ciise, waxaana dagaalka ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Inta la xaqiijiyay dagaalka Maanta ayaa waxaa ku geeriyooday Afar Ruux oo labada dhinac ah halka ay ku dhaawacmeen in ka badan, waxaana la sheegay in dagaalka Maanta ay ku awood roonaayeen Ciidamada Soomaalida.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in labada dhinac ay dalbadeen gurmadyo kala duwan, kuwaas oo soo gaaraya , waxaana dadka Shacabka ah ay billaabeen inay barakacaan.
Maamulka dowlad degaanka Soomaalida ayaa dhawaan sheegay in maleeshiyaadka Canfarta ay weeraro joogto ah ku hayaan dadka Xoolo dhaqatada Shacabka ah, isla markaana ay difaaci doonaan.



