Madaxweynaha Puntland oo Safiirka Ingiriiska kala hadlay arrimaha doorashooyinka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni,  oo ku sugan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee  Soomaaliya Kate Foster.

Kulan gaar ah oo ay yeesheen ayaa  looga hadlay arrimaha Puntland  iyo guud ahaan xaaladda dalka Soomaaliya, gaar ahaan marxalada lagu jiro ee doorashooyinka.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni ayaa uga mahad celliyay safiirka dadaalka ay dowladda Britain ku bixineyso howlaha amniga & doorashooyinka Soomaaliya.

Madaxwyene Deni ayaa waxaa Magaalada Muqdisho uu uga qyeb galay shirkii Golaha wadatashiga ee armurtiyeedka laga soo saaray, waxaana la filayaa inta uu ku sugan yahay in uu la kulmo Wakiilo ka socda Beesha Caalamka.