DHAGEYSO: Faah faahin Kooxo hubeysan oo dilal ka geystay Afgooye

Afgooye-RisaalaFM- Kooxo hubeysan ayaa xalay degmada Afgooye waxa ay ku dileen 4 qof oo shacab ah, iyadoo markii dilalka ay geysteen goobta ay ka baxsadeen.

Nabadoon caan ka ahaa magaalada Afgooye ayaa la sheegay in xilliga Salaada Taraawiixda kadib lagu dilay meel udhow hoygiisa, halka sidoo kalena 3 qof oo isku qoys ah iyaguna lagu dilay hoygooda.

Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Najax ayaa sheegay in degmada Afgooye ay ka mid tahay degmada ugu amniga fiican degmooyinka gobolka Shabeelaha Hoose sidoo kale falkan uu yahay mid ku cusub degmada Afgooye.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in lagu raad joogo kooxihii ka dambeeyay dilalkii xalay ka dhacay degmada Afgooye.

Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada dilalkan loo geystay dadka shacabka ah.