Ra’iisul wasaare Rooble oo kusii jeedda London

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Wefdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada London ee dalka Britain.

Waxaa uu halkaas  uga qeyb gali doona Shirka Caalamiga ah ee sara u qaadista tayada waxbarashada carruurta.

Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa ku wehliya Safarka.

Ra’iisul Wasaaraha inta joogo UK waxa la kulmi doonaa  Ra’isulWasaaraha  UK Boris Johnson ,  Madax iyo Mas’uuliyiin kale.