Calooshood u shaqeystayaal katirsan shirkadda Wagner, ayaa lagu eedeeyey iney ku dileen toban ruux, kuna gubeen konton guryo gaaraya magaalada Haute-Kotto ee gobolka dhaca waqooyi bari ee dalka Afrikada Dhexe, sida laga soo wariyey bogga internet-ka Corbeau News.
Barta internet-ka ayaa lagu sheegay in dhacdadani ay timid kagadaal markii ay foodda is dareen dadka deegaanka Haute-Kotto iyo calooshood u shaqeystayaasha Ruushka ah, kuwaasoo dalbadey ogaanshaha goobta ay dhuumaaley sanayaan dagaal yahanada jabhadda mucaaraadka ee (CPC).
10-kii bishan June, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa is hortaagey imaanshaha lix boqol oo calooshood u shaqeystayaal Ruush ah dalkani Africa Dhexe, iyadoo walaac ka muujiyey iney jiraan xad gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.



