DHAGEYSO: Suxufiyiinta Somaliland oo codsaday in la soo daayo wariye ku xiran Jigjiga

Dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa xiray wariye ka tirsan tvga fadhigiisu yahay magaalada Hargeysa ee caasimada maamulka Somaliland ee horncable tv.

Wariyaha la xiray ayaa la socday wariyaal dhawaan ciidanka dowlad deegaanka Soomaalida ay ka ka xeysteen magaalada Togwajaale ee Soomaaliland.

Sidoo kalena waxaa la sheegay in ciidanka Maamulka dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ay soo daayey 4 wariye halka ay xabsiga dhigeen wariye tvga Horn Cable uga soo warami jiray magaalada Togwajaale.

Guddoomiyaha ururka Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac ayaa sheegay in dawladda Itoobiya ay sidoo kale hawada ka saartay telefiishanka HCTV.