Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday askar loo heysto dil & Amar diido

Maxkamada Darajada Kowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Qeybta 27aad ayaa u fariisatay, Dhagaysiga dacwad loo heysto Saddex Eedaysane oo ka tirsan Ciidamada Dowlada Soomaaliya, kuwaas oo loo kala heysto, dil dadka Shacab ah, isticmaalka Mandooriye, Amardiido, ka tagida Goob Shaqo, Rasaas lagu furay,  Gaari Dad Shacab ay leeyihiin, iyo sidoo kale Goobaha Suuqyada,

Dhagaysiga Maxkmada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa, Maamulka Gobolka Gedo, Maamulka Degmada Dooloow,  Saraakiisha Ciidamada Qeybahooda kala duwan, Ehelada, Marxuumka,  Bulshada Reer luuq.

Gabagabadii Dhagaysiga Maxkamada ayaa mid ka mid ah, Saddexda Eedaysane, oo loo heystay in uu dil geystay, ayaa dib loo Dhigay, Go’aanka Maxkamada  halka labada Askari oo kale oo loo heystay, isticmaalka Maandooriyayaal, Amar Diido, iyo Ridida Rasaas bulshada Dhaxdeeda  ah  lagu kala xukumay, 6 Bilood ilaa  Saddex Bilood oo Xabsi Ciidan ah