Midowga Yurub oo ka hadlay Gantaalka walwalka abuuray

Hay’adda Midowga Europe ee Hawlaha Hawada Sare oo ka hadashay Gantaalka Shiinaha ee dhulka ku soo fool leh, waxaana wararku sheegayaan inuu Gantaalka ku dhici doono Hawada dalalka ku xiran Badda Mediterranean Sea .

Hadal ka soo baxay Hay’addaasi oo loo soo gaabiyey EU SST waxay ku sheegtay inuu Gantaalka Long March 5B Y2 mar kale uu Hawada Sare soo geli doono saqda Dhexe ee Caawa ilaa berrito Subax oo Axad ah.

Gantaalka waxaa uu Abaaraha 03:11 daqiiqo ee saqda Dhexe ee xalay dul mari doono Badda Mediterranean Sea,  Koonfurta Qaaradda Europe,  Koonfurta dalka Bortiqiiska , Spain iyo Greek.

Hay’adda kale ee Duullimaadka Hawada Sare ee The Aerospace Coperation ee dalka Maraykanka waxay sheegtay inuu Gantaalka Shiinaha soo geli doono Hawada dhulka Caawa ilaa berri Subax.

Wararka isbedayo ee Gantaalkaasi waxay kuwii u dambeeyey sheegayaan in Gantaalka uu berri Subax ku dhici doono Deegaan u dhow dalka New Zealand.