Tiro hoobiyeyaal ah oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa ay goordhow kusoo dhaceen xaafado ka tirsan degmooyinka Boondheere & Wartanabada ee Gobolka Banaadir, kuwaas oo jugtooda laga maqlay degmooyin ka tirsan Muqdisho.
Ilaa Afar Hoobiye ayaa waxaa la sheegay inay ku dhaceen Xaafado u dhow Xarunta Jodka Jilacow iyo Wasaaradii hore ee Caafimaadka, waxaana la sheegay in dad Shacab ah ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen.
Qof kamid ah dadka ku nool Xaafadaha ay hoobiyeyaasha ku dhaceen ayaa sheegay in Hoobiyeyaasha mid kamid ah uu ku dhacay Kaam lagu magacaabo Xaaraaye oo u dhow Godka Jilacoow, isla markaana dadka ku dhintay uu kamid yahay Nin lagu Magacaabi jiray Cabdi Colow.
Sidoo kale waxaa jira guri uu ku dhacay Hoobiyaha oo ay ku dhaawacmeen dad u badan Carruur, kuwaas oo dhaawacooda loo qaaday mid kamid ah Isbitaallada ku yaal Magaalada Muqdisho.
Wararka kusoo kordha kala socda www.radiorisaala.com



