Gaari siday dad Shacab ah oo lagu weeraray Hiiraan

Gaari nuuca leylada ah oo kusii jeeday magalaada dhuusamareeb , islamarkaana ka baxay Magaalada Muqdisho ayaa rasaas lagu furay , waxaana ka dhashay khasaare.

Gaariga ayaa marayay degaanka lagu Magacaabo Waradhuumale hoos yimaada degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Inta la xaqiijiyay 5 qof oo kamid ahaa rakaabkii sarnaa gaarigaan ayaa ku dhawacmay kuwaas oo haatan  dhawacooda la  gaarsiiyay isbtaalka Guriceel .

Dadka ku dhaawacmay weerarkaasi waxaa ka mid ah Carruur yar yar iyo haween.

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa noo xaqiijiyay in arintaan ay salka ku heyso anooyin qabiil.