Musharax Daahir Geelle”Madaxda dowladda waxaan leennahay wadahadalka aqoontiisa iyo xirfadiisa la imaada”

Hoggaamiyaha Xisbiga Danqaran Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in wadahadallo lala galo dowladda Waqtigeedii dhamaaday Midowga Musharaxiinta ay diyaar u yihiin.

Waxaa tilmaamay in Madaxweynaha Waqtigiiso dhamaaay iyo Xukuumadda ay ku howlan yihiin sidii madmadow loo kala dhexgali lahaa Midowga Musharaxiinta taasna aysan socon doonin, Waxaana uu ugu baaqay in ay la yimaadaan wadahadalka aqoontiisa iyo xirfadiisa.

Qoraal uu soo saaray ayaa siddaan u qornaa:

 

Wadahadalladu waxay u baahan yihiin niyad wanaag, sabar iyo qodobbada la isku raacay in la buunbuuniyo.

Dhanka dowladda haddii aan ka fiirinno waxaa muuqanaya in aysan heshiis xiisaynayn oo ay ku mashquulsan yihiin sida ay Midowga Musharraxiinta madmadoow iyo kala shaki uga dhex abuuri lahaayeen, halka aan annaga ku mashquulsannahay sida ayaga oo heshiis ah noola heshiin lahaayeen! Nasiib wanaagse, Golaha Midowga Musharraxiinta maalinta lagu dhawaaqayay maanta ayuu  isaga tolan yahay, wuxuuna leeyahay haykal dhisan iyo hadaf midaysan.

Madaxda dowladda waxaan leennahay wadahadalka aqoontiisa iyo xirfadiisa la imaada, wadahadalka waa culays badan yahay, sabar iyo dulqaad ayuu u baahanyahay! Annaga dhankeenna, adinka oo nagu duulay, dad naga dilay, xuquuqdeenni dastuuriga ahaa noo diiday ayaan weli wadahadalka u taagannahay. Waxaan rabnaa inaad sabarka naga barataan, naga barataan in aan dalka lagu kala tagi karin, naga barataan inaan isku qasbannahay!

Walaalkeen Farmaajoow, Soomaali kuma qasbana sida aad rabto oo ah in aad doorasho boob ah qabatid ama aysan dalka doorasho ka dhicin! Soomaali waxay u baahan tahay doorasho xor iyo xalaal ah oo la mid ah kuwi la arki jiray, kana gadisan wixi aad samaynaysay afarti sano ee la soo dhaafay, wayna heli doontaa Insha Allah.

KALAMA TAGI DOONNO, TAADANA KUUMA MARI DOONTO