Maamulka Koonfur Galbeed oo ka hadlay dagaal ka dhacay Gobolka Baay

Ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya kuwa Koonfur Galbeed ayaa weerar ku qaaday deegaanka Seydheelow oo ka tirsan gobolka Bay,halkaasi oo ay oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan  Al-Shabaab.

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bay ee Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Gaashaanle Sare Amiin Maxamed Daruur ayaa sheegay in khasaare dhimasho iyo dhaawac ay halkaasi ugu geysteen Al-Shabaab,ayna deegaanka iminka ay gacanta ku hayaan.

“Howlgalkan waxaa qaaday ciidankeena,waxaana uu ka dhacay deegaanka Seydheelow,waxaa halkaasi lagu dilay 7-ka tirsan a Al-Shabaab, deegaankana hadda waxaa gacanta ku haya ciidanka dowladda,shacabkuna waa laga dulqaaday dhibtooda”. Ayuu yiri taliye Amiin.

Deegaanka uu dagaalka ka dhacay oo qiyaas ahaantii 35 KM dhanka Waqooyi kaga beegan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxaa horey ugu sugnaa A-Shabaab.

Taliyaha qeybta ayaa xusay in weerarka ay ku qaadeen deegaanka Seydheelow ay ka dambeysay kadib markii shacabka deegaanka uu codsi kaga yimid si looga dulqaado Al-Shabaab.