Golaha Shacabka oo ansixiyay Xubnaha Guddiga la dagaalanka musuq-maasuqa

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa Maanta Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho waxaa ay ku yeesheen  kulanka 6-aad Kalfadhiga 8-aad Golaha , iyaga oo la horgeeyay Guddiyada Golaha Adeega Garsoorka iyo xubnaha guddiga  la dagaalanka musuq maasuqa..

Kulanka oo uu shir guddoominayay  Guddoomiyaha Golaha Shacabka  Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa  Wasiirka  Wasaaradda Cadaaladda C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac  waxaa uu Golaha Shacabka u gudbiyay xubnaha guddiga Adeega Garsoorka iyo xubnaha guddiga la dagaalanka musuq maasuqa.

Intaasi, kaddib Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS ayaa Cod Aqliyabad leh ku ansixiyey Xubnaha Guddiga la Dagaalanka Musuq-maasuqa,, iyada oo  Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Iyo Garsoorka XFS Cabdulqaadir Maxamed Jaamac  uu Ansixinta kadib u Mahad celiyey Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Xildhibaannada Golaha Shacbaka ayaa isla Maanta waxaa ay ansixiyeen Xubnaha Guddiga Adeega Garsoorka, xubnahaas oo ay horay u ansixiyeen Golihii wasiirada xilgaarsiinta, balse ay mas’uuliyiin farabadan kasoo horjeesteen.