Afayeenka madaxtooyada oo sheegtay in xeerka loo saxiixay in Saxaafadda la xakameeyo xilliga doorashooyinka

Ayadoo Madaxweynaha Soomaaliya saxiixay Xeerka Saxaafadda Soomaaliya,ayaa Wasaaradda Wafaafinta Soomaaliya ay Madaxtooyada kusoo bandhigtay Xeerkaas oo Saxaafadda qodobo ku jira ay walaac ka

Cabdinuur Maxamed Axmed oo ah afayeenka madaxtooyada oo la hadlay BBC-da ayaa wax laga weeydiiyay in inta badan Urrurada Saxaafadda Soomaaliya ay cabasho ka muujinayaan Xeerka u sheegay in sababaha loo ansixiyay ay tahay in dalka uu galayo xilli doorasho,isla markaan lagu xakameyn Saxaafadda.

“Waddanku doorasho ayuu aadayaa, xukuumadda hadda joogtana doorasho ayey u diyaar garoobeysaa, axsaabta siyaasadda iyo qof kasta oo Soomaali ahna uu damci karo inuu tartan galo, muddadaasna sharci la’aan laguma shaqeyn karo -saxaafadda laftigeeduna waxay u baahan tahay xakameyn..” ayuu yiri afayeenka madaxtooyada.

 

maraxweynuhu markuu arkay xilligan kala guurka ayuu garowsaday inuu xeerkan saxiixo, magaalada muqdishu oo xurriyad xarkaha goosatay ay ka jirto inuu xakameeyo sharcigaan ayaa loo baahanyahaya iyagane uu xurriyad siiyo” ayuu sii raaciyey Cabdinur.

afayeenka madaxtooyada ayaa dafiray in xeerka saxafadda ay ka buuxaan qodoba badan oo xakamaynaaya xirriyadda saxafadda.

madaxtooyada Soomaaliya ayaa 3 sano iyo barki ay dowladdan jirtay acaybcaburin ku haysay xurriyadda saxafadda, ayadoo wariye Gurbiye loo xiray qoraal ku saabsan madaxweynaha Soomaliya loona maxkamadeeyey.

Halkan Ka Akhriso Qodobada ay Urrurada Saxaafadda & Wariyeyaasha walaaca ka muujiyeen.