Urrurada Saxaafadda oo sheegay in Xeerka Saxaafadda Madaxweynuhu saxiixay uu khatar ku yahay Warbaahinta & Wariyaasha

Urrurada Saxaafadda ee kajira Soomaaliya ayaa diidmo ka muujiyay dhowr qodob o kujira xeerka Saxaafadda ee uu saxiixay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo maanta Madaxtooyada lgu soo bandhigay.

Urrurada Warbaahineed ee SOMA & SJS ayaa War-Saxaafadeed ay soo saareen waxaa ay ku cambaareeyeen Xeerka Saxaafadda ee uu Madaxweynaha saxiixay, iyaga oo sheegay in qodobada qaar uu qatar ku yahay Warbaahinta iyo Wariyeyaasha.

Ururka (SJS) & Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee (SOMA) waxay si xoogan u cambaareeynayaan Xeerka Saxaafadda ee Madaxweyne Maxamed C / llaahi Farmaajo uu saxiixay toddobaadkan, waxaana ku xigay ku dhawaaqis in ay Maanta sameysay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, waxaana ay ka digayaan in sharciga saxaafadda uu saameyn ku yeelan doono Warbaahinta Soomaaliya iyo suxufiyiinta ayaa lagu yiri” Qoraalka SJS & SOMA.

Urrurada Warbaahineed ee SOMA & SJS ayaa sidoo kale waxaa ay sheegeen in si walba oo Xeerkaan wax looga bedelay uu la mid yahay Xeerkii la ansixiyay sanadkii 216-kii isla markaana looga gol leeyahay in la xakameeyo Warbaahinta iyo Wariyeyaasha.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in Xeerka Saxaafada loo saxiixay in Wariyeyaasha iyo Warbaahinta la xakameeyo xilliga doorashooyinka oo la guda gelayo.