Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta 27aad ayaa waxaa ay Maanta xukun ku riday rag la sheegay inay weerar ku qaadeen 24-kii Bishii Maarso Ciidamo isugu jira Millateri & Nabadsugid oo socdaal ku marayay degaanka Bacada oo ku yaalla wadada isku xirta Gobolada Hiiraan & Galgaduud.
Raggaan oo Saddex ah ayaa waxaa la sheegay in is rasaaseyn kooban dhex-martay Ciidamada ay weerareen,waxaana rasaastii ay si weeydaarsadeen waxaa ku geeriyooday Hooyo Dahabo Macow Dhoore iyo Nashaad Cabdi Salaad Gaabow.
Maxkamadda Ciidamada ayaa sheegtay in saddexda eedeysane ay dacwad kasoo gudbisay Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada,isla markaana markii la arkay cadeymaha laga qoray markhaatiyaasha eeddeynta ka dhanka ah Saddex Nin in xukun lagu riday.
Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta 27aad Maxamed Amiin Cabdulle Aadan ayaa sheegay in Maxkamadda ay Dambiile Cabdullaahi Xuseen Gacal ku xukuntay 10 Sano oo Xabsi Ciidan ah, Dambiile Khaliif Cilmi Siyaad lagu xukumay 10 Sano oo Xabsi ah halka dambe Cabdi Cismaan Jaliil lagu xukumay 8 sano oo Xabsi ah iyo in dhamaan raggaan ay siwadajir ah u bixiyaan magta Marxuumad Hooyo Dahabo Macow Dhoore halka Magta Marxuumad Nashaad Cabdi Salaad Gaabow la saaray Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan.



