SAWIRO:-Diyaar garoowga Maalmaha Xuriyadda oo laga dareemayo Muqdisho

Waxaa Magaalada Muqdisho laga dareemayaa u diyaar garoowga munaasabadaha Maalmaha xuriyadda ee kala ah 26-ka Bisha June oo ku beegan markii Gobolada Waqooyi ay ka xuroobeen gumeystihii Ingiriska iyo 1-da Luulyo oo ku beegan markii Gobolada Koonfureed ka xuroobeen Talyaaniga iyo midowgii labada Gobol.

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha Bulshada iyo wacyi galinta Maamulka Gobolka Banaadir ahna Gudoomiyaha Malmaha todobaadka xoriyadda heer Gobolka Marwo Basma Caamir Axmed (Jaketti) ayaa Caawa kormertay Degmooyinka Xamar Jajab waabari Howlwadaag iyo cabdi Casiis halkaas oo ay ka soctay ololaha Nadafadda Bilic soo celinta Caasimadda.

Maamulka Dagmada Wadajir ayaa bilaabay dardargalinaya Olole Nadaafadeed oo lagu Nadiifinayo Jidadka Waaweyn Ee Dagmada iyo laamiga Xili Maalmo kooban ay ka dhimantahay Xuska 26 june iyo Koowda 1 luuliyo,taas oo qeyb ka ah u diyaar garowga Maalmaha Xuriyada ee degmooyinka Gobolkan Banaadir.

Kulan looga hadlay u diyaar gorowga qabsoomidda Munaasabadaha Maamuuska Maalmaha Xoriyadda iyo Midnimada JFS gaar ahaan Sugida amaanka ayaa dhex maray Gudigga Qaban qaabada 60 sano guurada Xoriyadda Soomaaliya iyo Saraakhiisha Ciidamada Qalabka Sida waxaana Shir gudoominayey Guddoomiyaha guddiga Qaban-qaabada xuska maalmaha xoriyadda ahna Wasiirka Warfaafinta XFS Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye).

Goobaha Ganacsiga ee ku yaalla Hareeraha wadooyinka waaweyn ee muqdisho ayaa waxaa dhankooda lagu amray inay Goobahooda Ganacsiga ku dhejiyaan Calanka Soomaliya ee Buluuga ah si loo muujiyo in lagu guda jiro Maalmaha xuriyadda.