Madaxweynaha dalka Burundi Pierre Nkurunziza ayaa la xaqiijiyay in uu geeriyooday Sidda ay shaacisay Madaxtooyada dalka Burundi.
“Dowladda Jamhuuriyadda Burundi waxay si murugo leh u shaacineysaa geerida lama filaanka ah ee ku timid Pierre Nkurunziza, madaxweynaha Jamhuuriyadda Burundi, oo ku dhintay isbitaalka Karusi Fiftieth Anniversary, kaddib markii uu wadnbaha istaagay 8-dii bishan June, 2020-ka”, ayaa lagu yiri Warka
Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu geeriyooday ka dib markii Wadnaha uu istaagay, waxaana sidoo kale Wararka qaar ay sheegayaan in maalmihii lasoo dhaafay uu isbitaal ku jiray.
Da’diisa ayaa aheyd 55 Sano.
Wixii kusoo kordha kala soco Risaala.net



