Turkiga oo 2 Milyan Bilkasta siin doonta dowladda Soomaaliya

Turkiga-RisaalaFM- Golaha wasiirada cusub ee dalka Turkiga  ayaa ansixiyay lacag deeq ah oo bil walba dowladda Turkiga ay siinayso Soomaaliya taasoo gaaraysa $ 2-Milyan guud ahaana isku darkeedu ay dhan tahay $ 24 Milyan.

Wargeyska Rasmiga ee dowladda Turkiga ayaa maanta oo Talaado ah  warkan shaacisay wuxuuna cadeeyay in lacagahan kaalmada ah lagu kabayo miisaaniyada dowladda Soomaaliya iyo adeegyada hay’adaheeda.

Qeybta ugu horeysa ayaa waxay noqonaysaa lix Milyan Doollar oo hal mar  la siinayo Somaliya, kadib markii la soo mariyo wasaarada arrimaha dibada ee Turkiga si looga dhigo qaab heshiis labada dal ah ay gaareen.

Sida laga warqabo waxaa Todobaadkan  Dekeda magaalada Muqdisho ku soo xirtay markab Turkiga leeyahay oo sida gargaar bani’aadanimo oo lagu qiimeeyay $ 8 milyan  looguna tala galay dadka  Soomaaliyeed ee wax  yeelada ka soo gaartay  daadadka iyo abaartii dalka ku dhufatay.