Madaxweynaha Puntland oo Magacaabis sameeyay

Madaxweynaha Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr.45 ku magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada, Shaqalaha, Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha.


Madaxweynaha Maamulka Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad

Marku arkay: Aqoonteeda, kartideeda iyo Waayo-aragnimadeeda shaqo

Marku la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka  Puntland

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Hodon Saciid Xasan loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada, Shaqalaha, Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha

*Xeerkani wuxuu dhaqan galayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.