Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Fawziya Abikar Nur ayaa ka warbixiyay xaaladaha cusub ee ka soo kordhay caabuqa Covid Wasiirka waxay xaqiijisay maanta 73 xaaladood oo COVID-19 ah.
Maamulka Puntland ayaa laga xaqiijiyay 25 xaaladood, Maamulka Somaliland 19 xaaladood, Maamulka Gobolka Banaadir 17 xaaladood, iyo Maamulka Koonfur Galbeed oo laga xaqiijiyay 12 xaaladood.
Wadarta guud ee xaaladaha cusub ayaa noqoneyso 1,357 xaaladood, waxaana geeriyooday 2 bukaan halka ay bogsootay 13 bukaan.
16 May 2020: Warbixinta COVID-19 ee Soomaaliya
> Laga Helay: 73
> Puntland: 25
> Somaliland: 19
> Benadir: 17
> Koonfur Galbeed: 12
> Lab: 51
> Dhedig: 22
> Bogsasho: 13
> Dhimasho: 2
——————————–
> Tirada Guud Laga Helay: 1357
> Bogsashada Guud: 148
> Dhimashada Guud: 55



