Kooxduu Ugu Horaysay Ee La Liga Ka Dhisan Oo Dacwad Ka Gudbisay Go’aankii Xidhiidhka Kubbada Cagta Spain Ee UEFA Loo Diray

Sidii aanu xalay idiin soo gudbinay xidhiidhka kubbada cagta Spain ayaa UEFA u gudbiyay qorshaha ay doonayaan in ay ku xaliyaan horyaalka La Liga kala sarayntiisa haddii la awoodi kari waayo in la ciyaaro kulamada baaqiga ah.

Xidhiidhka kubbada cagta Spain ee RFEF ayaa UEFA u gudbiyay qorshe ay ku cadeeyeen in qaabka uu hadda u kala sareeyo miiska horyaalka La Liga ay ku go’aamin doonaan kaalmaha Champions League loogu soo baxayo taas oo sidoo kale Barcelona u damaanad qaadaysa in ay koobka ku guulaysanayso.

Laakiin waxa uu go’aankani saamayn xun ku lahaa afarta kooxood ee kala ah Real Madrid, Atletico Madrid, Getafe iyo Valencia oo siyaabo kala duwan uu go’aankani u saamaynayay.

Haddaba kooxda Valencia ayaa noqotay kooxdii ugu horaysay ee UEFA uga dacwootay go’aanka xidhiidhka kubbada cagta Spain maadaama oo ay u arkaan in ay seegayaan tartamada Yurub ee uu hamigoodu ahaa haddii lagu dhaqmo qorshaha uu RFEF u gudbiyay UEFA.

Kooxda Valencia ayaa si rasmi ah u qortay warqaday ay u dirtay UEFA taas oo ay ku dalbanayaan in aan la aqbalin qorshaha uu xidhiidhka kubbada cagta Spain ku doortay in afarta kooxood ee hadda ugu sareeyaa ay Champions League u soo baxaan isla markaana ay kooxaha ku xigaa Europa league u soo baxaan.