Dowladda Iran oo cusbooneysiineysa digniinta la xiriirta Coronavirus

Madaxweyne Hassan Rouhani wuxuu ku booriyay Iiraaniyiinta inay sii wadaan ixtiraamka tilaabooyinka looga hortagayo cudurka ‘coronavirus’ maadaama howlaha ganacsiga ay dib uga bilowdeen inta badan dalka Shalay, wakaaladda wararka ee IRNA ayaa werisay.

Dukaamo badan, warshado iyo qeybo kaloo muhiim ah ayaa dib u bilaabay howlahii dalka oo dhan, marka laga reebo caasimada Tehraan, halkaas oo ay dib uga furmi doonaan 18-ka Abriil.

Xafiisyo badan oo dowladda ah ayaa sidoo kale dib loo furay, iyada oo saddex meelood laba meel ay shaqaalahooda ay yareeyeen buuqa. Magaalada Qom, oo ah magaalo ay ku noolyihiin 1.2 milyan oo ah kuwii ugu horreeyay ee uu ka dillaacay coronavirus wadanka Iiraan, ilaa 24,000 ganacsi ayaa la filayaa inay dib u furmaan, TV-ga dowladdu sida uu soo tabiyey.

Jamhuuriyadda Islaamiga waa dalka Bariga Dhexe uu sida daran u saameeyay CVID-19 Cudurka neef-mareenka ah wuxuuna la halgamayay inuu yareeyo faafitaanka cudurka. Laakiin dowladda ayaa sidoo kale ka walaacsan in tallaabooyinka lagu xadidayo howlaha guud ay khalkhal galin karto dhaqaalo markii hore cunaqabateyn lagu soo rogay.

Ganacsiyada khatarta badan leh oo ay ka mid yihiin tiyaatarada, barkadaha dabaasha, meelaha dumarka isku qurxiyaan,  iskuulada, xarumaha wax laga iibsado iyo maqaayadaha ayaan wali dib loo furin.

Iskuulada iyo jaamacadaha ayaa wali xiran, waxaana la mamnuucay isu imaatinka dadka, goobaha cibaadada, iyo ciyaaraha ayaan wali la furin.

Hase yeeshe maamulka caafimaadku waxay ka cabanayaan in dad badan oo reer Iiraan ah ay iska dhego tireen codsiyada ah inay guryahooda joogaan, iyagoo ka digaya mowjadda labaad ee cudurkan. Tirada dhimashada Iiraan ayaa gaartay 4,357 iyada oo 70,029 xaaladood dalka oo dhan laga helay.