Lix Ciyaaryahan oo la iibsan doono xagaaga soo socda

Inkasta oo uu xiran yahay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda oo la filayo in horraanta bisha June uu furmo, haddana kooxaha waaweyn ayaa waxay ku hawlan yihiin sidii ay ciyaartoyga ay doonayaan uga sii dhaadhicinlahaayeen ogolaadaanshiyaha heshiisyadooda waxaanay qaarkood haddaba lasii gelayaan qandaraasyo hor dhac ah.

Warbaahinta adduunka ayaa waxay si taxane ah usoo bandhigeen xogtii ugu dambaysay ee suuqa iyo dhaqdhaqaaqyada ay kooxuhu samaynayaan, kuwaas oo isugu jira warar falanqeyn a ah iyo kuwo run ah oo raadkoodu muuqdo.

1: Manchester United ayaa diiraddeeda  u jeedisay laacibka khadka dhexe ee Leicester City ee James Maddison oo 23 jir ah

2: Manchester United waxay ogaatay qiimaha ay ku heli kareyso garabka weerarka Borussia Dortmund ee Jadon Sancho oo ah 20 jir

3: Arsenal, Tottenham iyo West Ham United ayaa daneynaya difaaca Liverpool ee Dejan Lovren oo ah 30 jir u dhashay Croatia oo la filayo inuu ka tago Anfield dhamaadka xili ciyaareedka. (Teamtalk)

4: Liverpool ayaa shaacisay in aanay dooneynin inay dib ula soo saxeexato kubbad sameeyaha reer Brazil ee Philippe Coutinho oo amaah ay Barcelona ku siisay Bayern Munich. (Mirror)

5: Xiddiga Arsenal amaahda kula jooga ee Dani Cebbalos oo ah 23 jir waxa uu doonayaa inuu ku laabto Real Betis oo uu ka tago Emirates Stadium

6: Real Madrid ayaa isha ku heysa Igor Gomes oo ah 21 jir u ciyaara kooxda reer Brazil ee Sao Paulo sidoo kale waxa doonaya Barcelona, Sevilla iyo Ajax. (AS)