Dhageyso:-Booliska oo faah faahiyey howlgalkii Dhuusamareeb

Ciidammada Amaanka ayaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug  waxaa ay ka sameeyeen Howlgal lagu Xaqiijinayo Amniga,iyaga oo  Baaritaan ku sameeynaya Gaadiidka iyo Dadka intaba.

Howlgalka ayaa Baabuurta looga fiiqayey Bacda Madow ee ku Dahaaran Muraayadaha Gawaarida, iyada oo Magaalada Dhuusamareeb laga mamnuucay Hubka Sharci darada ah iyo Gaadiidka Muraayadaha Madow.

Taliyaha Ciidamada Booliska dhuusamareeb ahna taliyaha Ciidanka xasilinta Caasimadda Gaashaanle Cabdullaahi Xasan Macalin oo howlgalkaas faah faahinayay ayaa sheegay in lagu soo qabtay dad watay hub sharci-darro ah.

Waxaa uu sheegay in dadkaasi cadaaladda la marsiin doono kuwo kalena lagu raad joogo haba ugu badnaadaan kuwa isticmaala waxyaabaha maanka dooriya.

Sidoo kale taliyaha waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in taliska Booliska Dhuusamareeb aysan marnaba ogolaan doonin dadka hubka sharci darrada ah ku dhex wata Magaalada.